Laddar...

Somaliska – Somali – Af soomaali

 

Khadka caawinta iyo la sheekeysiga dumarka iyo gabdhaha loo geystay hanjabaad,
gacan ka hadal ama xadgudub galmo

Waxaan nahay khadka taageerada qaranka kuwa loo geystay xadgudub jireed, maskaxeed, maaliyadeed ama galmo. Waanu dhagaysanaynaa, waxaanu ku siinaynaa taageero waxaanu kuu sheegaynaa meesha aad caawimo ka heli karto. Inaad nala soo xidhiidho waa bilaash, qofka aad tahay lama ogaanayo. Qof kasta, da’doo doono ha jiro, wuu na soo wici karaa
ama wuu nala hadli karaa.

Waxaan ku hadalnaa af-iswiidhish, laakiin waxaan qadka taleefanka soo gelin karnaa turjubaan. Sug ilaa turjubaanka la soo gelinayo qadka.

Dhambaallada qoraal waa kuwo ku baxa kaliya af-iswiidhish

Taleefanka 116 016 Furanyahay maalin kasta, saacad kasta

Wada hadal qoraal kvinnofridslinjen.se

Kvinnofridslinjen (Khadka nabadda ee haweenka) waxaa maamula NCK oo ay dowladda shaqo ku siisay.